
Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa Jamie Gittens heshiis ku kacaya 55 milyan oo euro ay ku jiraan lacago gunooyin ah.
20-jirka aadka loo qiimeeyo ayaa kaga soo biiray Borussia Dortmund heshiis todobo sano ah.
Chelsea ayaa rajeyneysay inay la soo wareegto Gittens ka hor Koobka Kooxaha Adduunka, waxayna heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka bishii hore, laakiin way awoodi weysay inay heshiis la gaarto Dortmund qiimaha ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Si ka duwan Joao Pedro, kaasoo kaga soo biiray Brighton heshiis gaaraya 60 milyan ah Gittens ma awoodi doono inuu kulankiisii ugu horeysay u safto Chelsea koobka kooxaha aduunka, isagoo horey uga soo muuqday tartanka kooxdiisii hore.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee udhashay Reading ayaa ku biiray Chelsea ka dib markii uu afar sano ku qaatay Jarmalka.
Gittens ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee xirfadiisa sarre ilaa iyo xilli ciyaareedkii hore, isagoo sideed gool u dhaliyay Dortmund xilli ciyaareedkan, iyo sidoo kale afar Champions League.
Be the first to comment