
Liverpool ayaa si rasmi ah u diiday isku day ay Bayern Munich ku doonaysay Luis Díaz.
Madaxa Bayern Max Eberl ayaa lagu wargaliyay in Liverpool aysan wax niyad ah ama rabitaan ku laheyn wadahadalka, iyadoo wada-xaajoodkii la soo afjaray isla markiiba.
Waa markii labaad xagaagan oo ay Liverpool mowqifkan qaadato, iyadoo fariin isku mid ah u dirtay Barcelona horaantii suuqa.
Liverpool ma qorsheyneyso inay wax dalaby ah dhagaysato kuwaas oo ku saabsan Diaz Waxay u direen fariin cad in Colombian-ka uusan iib ahayn.
Al-Nassr ayaan wali wax wadahadalo ah la furin Liverpool inkasta oo ay Diaz u aragto bartilmaameedka uGu eyn.
Maamulka sare ee Liverpool ayaa Diaz u arka mid muhiim ka ah kooxda mustaqbalka dhaw.
Be the first to comment