Liverpool Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixeedii 5-aad.

Kooxda Liverpool ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa bartilmaameed ka dhigatay Marc Guehi si ay ugu xoojiso daafaceeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

kadib dadaalo ay kooxdu waday todobaadyadii ugu dambeeyay oo ay ku doonaysay in ay ku hesho saxiixa xiddiga ayaa haatan midho dhaliyayy.

Saxafiga Nicola Schira ayaa sheegay in ay Liverpool ugu dambayn heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer England.

Xiddiga Marc Guehi ayaa ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixayo kooxda Liverpool si uu ugu biro.

Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah miiska u saarto kooxda Crystal Palace si ay xiddiga u hesho.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga