Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la bilowday kooxda Atalan iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Ademola Lookman, si ay ula soo saxiixato inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
ilo wareedyo ayaa sheegay in maamulka Arsenal uu wada xaajood toos ah la galeen Lookman si ay wax uga ogaadaan suurtagalnimada ay kula saxiixan karaan suuqa xagaagan.
Xiisaha Arsenal ee Lookman ayaa ku soo beegmaya xilli tababaraha reer Spain Mikel Arteta uu doonayo inuu ku xoojiyo weerarka kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.
Wadahadalada labada dhinac ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda si go’aan looga gaaro mustaqbalka ciyaaryahanka, kaasoo u soo muuqday Atalanta xilli ciyaareedkii hore.
Arteta ayaa xiddiga reer Nigeria doonaya in uu ku xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.
Be the first to comment