
Daafaca Liverpool Andrew Robertson ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo Spain.
AS ayaa sheegaysa in Robertson uu ogolaaday u dhaqaaqista Atletico Madrid, laakiin waa in la sugo marka ay labada kooxood ka wada hadlayaan qiimaha lacageed.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa dareemaya inuu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Premier League xilli Milos Kerkez uu ka yimid Bournemouth.
Robertson ayaa og in uu boos joogto ah ka heli doono Atletico Madrid marka loo bar-bar dhigo in uuna boos ka heli doonin Liverpool Xillli ciyaareedka dambe.
Atletico ayaa haatan wadahadalo la fureysa Liverpool oo ku saabsan qiimaha daafaca bidix.
Be the first to comment