Benjamin Sesko Mise Victor Gyokeres? Arsenal Oo Doortay Xiddiga Ay U Dhaqaaqayaan.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay diirada saarto saxiixa xiddiga Sporting Viktor Gyokeres ka dib markii ay ka caroodeen mushaharka Benjamin Sesko.

Gunners ayaa dooneysa in ay xoojiso weerarka ka dib markii ay soo dhameysteen xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah intii uu joogay Mikel Arteta, iyadoo kooxdu ay wajaheyso dhaleeceyn culus oo la xiriirta koob la’aanta.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Sesko kaas oo ay ka dhigteen bartilmaameedka 1-aad si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay isaga baxdo tartanka ay ugu jirto saxiixa xiddiga kadib markii uu dalbaday mushahar aad u sareeya.

Arsenal ayaa haatan doonaysa in ay muhiimad siiso saxiixa xiddiga Gyokeres kaas oo diyaar u ah in uu ku biro Gunners suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga