
Hugo Ekitike ayaa qirtay xilli ciyaareedkii hore in Manchester United ay tahay kooxdiisii caruurnimada markii ay soo galayeen tartanka saxiixa weeraryahanka Frankfurt.
Liverpool iyo Chelsea ayaa hore u diiwaan galiyay xiisaha ay u qabaan Arsenal iyo United sidoo kale lala xiriirinayaa weeraryahanka reer France.
Ekitike ayaa haatan ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo si fiican uga soo muuqday Bundesliga isaga oo ka caawiyay in ay Frankfurt u soo baxdo champions League.
Waxa uu dhaliyay 20 gool Bundesliga xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo wacdarihiisa ku soo jiitay kooxo badan.
Kooxo badan oo Premier League ah ayaa raadinaya weeraryahan cusub xiddiga reer France ayaana bartilmaameeed u ah.
Xiddig 22 jirka ah ayaa dalabyo badan haysta laakiin xiddiga ayaa qirtay jacaylka uu u qabo.
Waxa uu u sheegay RTL bishii December ee sanadkii hore: “Kooxda aan ugu jeclaa caruurnimadaydii waxa ay ahayd Manchester United”.
Be the first to comment