
kooxda Barcelona ayaa hadda haysata fursada ugu fiican tartanka loogu jiro Nico Williams iyaga oo ka horeeya Bayern, Arsenal, iyo Chelsea.
Wadaxaajood cusub oo muhiim ah ayaa dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay iyada oo kooxdu dar-dar galinayso dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga.
Joan Laporta ayaa hadda qiimaynaya hadii uu heshiisku dhici karo iyo haddii Williams la diwaangelin karo.
Haddii Barcelona ay hesho ogolaansho waxa la filayaa in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga.
Tababaraha Kooxda Barcelona ee Hansi Flick waxaa ka go’an inuu la soo wareego Williams.
Bayern ayaa lagu wargaliyay waxaana ay haatan sugayaan in ay Barcelona dhamaystirto saxiixa xiddigan.
Be the first to comment