Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Arsenal Kula Biirtay Tartanka Gyokeres Kadib Markii Uu Iska Diiday Man United.

Juventus ayaa isha ku haysa in ay xado oo ay u soo xero galiso Viktor Gyokeres iyada oo Arsenal ayna wali wax tallaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga.

Gyokeres ayaa xilli ciyaareed kale oo cajiib ah ku soo qaatay Horyaalka Portugal iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo premier League ah.

Kooxaha Man United, Arsenal, Newcastle Iyo kooxo kale ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga.

Gyokeres ayaa iska diiday kooxaha kale isaga oo doorbidaya in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in Juventus ay qorsheyneyso inay soo bandhigto dalab rasmi ah oo qiimihiisu ka badan yahay 60 milyan oo euro si ay u hesho saxiixiisa.

Tallaabada Juventus ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Sweden.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga