Viktor Gyokeres Oo Man United Ku War Galiyay Go’aankiisa Xilli Ay Red Devils Doonayso Saxiixa Xiddiga

Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres ayaa iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Manchester United xagaagan.

Sida laga soo xigtay majaladda Portuguese-ka ah ee Record, wakiilka Gyokeres, Hasan Cetinkaya, ayaa u sheegay Red Devils  in aanu xiddigu doonayn in uu la midoobo Ruben Amorim kuna biiro kooxda Man United.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa waxaa tababare u ahaa Amorim waqtigii uu macalinka u ahaa Sporting Lisbon.

27 jirkaan ayaa 54 gool u dhaliyay 52 kulan oo uu u ciyaaray Sporting xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda ay xifaaltamaan ee Man United ee Arsenal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa Gyokeres xagaagan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga