Roberto Martinez Oo Magacaabay Laba Ciyaartoy Oo Yamal Uga Qalma Abaal-marintan Ballon d’Or.

Tababaraha xulka qaranka Portugal Roberto Martinez ayaa sheegay laba ciyaartoy oo ku guulaysan kara abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna ka horumariyay xiddiga Lamine Yamal

Si kastaba ha ahaatee, Martinez, wuxuu ku amaanay Yamal inuu yahay “ka ugu fiican booskiisa”.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka COPE’s El Partidazo, wuxuu yiri: “Lamine waa kan ugu fiican booskiisa wuxuuna ahaa mid joogto ah.

“Ma jiro xiddig booskiisa ka ciyaara oo sidaas u ciyaara Waa inaan caawinaa isaga”.

Mar Martinez wax laga waydiiyay xidigaha ugu cadcad abaal marinta Ballon d’Or, waxa uu ku jawaabay: “Vitinha iyo Nuno Mendes aad ayay uga sareeyaan inta kale; heerka kooxda iyo waliba muuqaalkooda.

“Nuno Mendes, aniga ahaan, waa daafaca bidix ee ugu fiican ee aan abid arko, waxa uu ka ciyaari karaa banaanka iyo gudahaba, aad ayuu u degdeg badan yahay waxana uu haystaa baas fiican.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga