
Daafaca Lille Thomas Meunier ayaa shaaca ka qaaday jaceylka uu u qabo Manchester United, isagoo sheegay inuu baaskiil ku aadi doono England si uu u dhameystiro heshiiska.
Daafaca heerka caalami ee dalka Belgium ayaa u soo ciyaaray kooxo waa weyn oo Yurub ah sida Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund.
Meunier, oo ku biiray kooxda Faransiiska ee Lille bishii July 2024, waligii iskuma tijaabin Premier League – laakiin haddii uu awoodo – wuxuu si toos ah u aadi lahaa Old Trafford.
Isagoo jira da’da 33, waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn in riyada daafaca ee ah u ciyaarida United ay rumoobayso laakiin taasi kama hor istaagin inuu noqdo taageere weyn.
Meunier, oo dalkiisa u saftay 69 jeer, ayaa u sheegay wargeyska Belgian Gazet van Antwerpen: “Haddii Man United ay doonayso in aan u ciyaaro baaskiil ayaa halkaas ku aadi doonaa”.
“Laakin malaha sidan ayay u roon tahay. Ka soo qaad in aan halkaas ku ciyaarayo oo aan waqti xun ku qaatay. Ma doonayo inaan necbaado Manchester United, sababtoo ah aad ayaan u jeclahay kooxdaas”.
Be the first to comment