
Florian Wirtz ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Liverpool ka dalbaday maaliyada No.10, isaga oo u sheegay taageerayaasha in ayna rumaysan wax walba oo lagu qoray warbaahinta.
Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa Wirtz xagaagan kadib markii laga soo diiday dalabkii furitaanka ee xiddiga Bayer Leverkusen kaas oo loo arko mid ka mid ah da’yarta ugu fiican kubbada cagta Yurub.
Bayern ayaa markii hore ku gacan saraysay helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee weerarka.
Laakiin kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa rajo weyn ka qabta inay heshiis la gaarto Leverkusen oo ku aadan qiimaha ay ku iibineyso Wirtz, Bayern ayaana qirtay inay guuldarro ka soo gaartay tartanka loogu jiro saxiixa 22 sanno jirkaan.
Waxaa la fahamsan yahay in Reds ay diyaar u tahay inay ku qarash gareyso inta u dhaxaysa €130m (£109m) iyo €150m (£126m) Wirtz, xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa durba bilaabay ugaarsi guri ku yaal waqooyiga galbeed ee England.
Isniintii, warbixin ka soo baxday Sky Deutschland’s Florian Plettenberg ayaa soo jeedisay Wirtz inuu ka codsaday lambarka 10 ee Merseyside, oo uu hadda haysto Alexis Mac Allister.
Wirtz ayaa la wareegay maaliyada No.10 ee Leverkusen bilowgii xilli ciyaareedka 2023/24, waxaana la sheegay inuu ‘ jeclaan lahaa’ inuu sii wato lambarka caanka ah ee Anfield.
Laakiin Wirtz ayaa beeniyay wararkaas isaga oo qoray”Yaa yidhi waxan rabaa No.10, wan ixtiraamayaa ciyaartoyda”
Be the first to comment