
Bruno Fernandes waxa uu sheegay in uu fursad u helay in uu ku biiro Al-Hilal, laakiin waxa uu diiday dalabka sabab la xidhiidha in uu doonayay in uu ka ciyaaro heerka ugu sareeya isla markaas United kula guulaysto koobab waaweyn.
Al-Hilal ayaa doonaysay in ay bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga 30 sano jirka ah ee Khadka dhexe.
Kooxda Saudi Pro League ayaa sidoo kale ku wargalisay Fernandes inay diyaar u yihiin inay saddex jibaaraan mushaharkiisa an united hadii uu ku biiro.
Laakiin warar baahsan ayaa tilmaamaya in Fernandes uu go’aansaday in uu diido dalabka Al-Hilal oo uu sii joogo kooxda Man United.
“‘Waxaa jirtay fursad aan kaga tagi karo United, waxa ila soo xidhiidhay madaxweynaha Al-Hilal wuxuuna waydiiyay in aan rabo in aan halkaas aado. Way i sugayeen,” Fernandes ayaa u sheegay suxufiyiinta ka hor semi-finalka Portugal Nations League oo ay la ciyaarayaan Jarmalka.
“Waxaan la hadlay tababare [Ruben] Amorim, wuxuuna iga codsaday inaanan tegin. Xaaskeyga ayaa i weydiisay waxaan rabo inaan sameeyo”.
“Waxay ahaan lahayd wax fudud inaan halkaas u dhaqaaqo, maadaama aan si fiican u garanayo ciyaartoyda Portugal, laakiin waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro heerka ugu sareeya oo aan u tartamo koobab waaweyn”.
Be the first to comment