Sababta Uu Bruno Fernandes Isaga Diiday Kooxda Sucuudiga Ee Al-Hilal Oo La Ogaaday.

Suxufiga Ben Jacobs ayaa shaaca ka qaaday in kabtanka Manchester United Bruno Fernandes uu diiday ku biirista kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta sucuudiga, inkastoo wadahadallo heer sare ah laga gaaray todobaadkii hore magaalada caasimadda ah ee Riyadh.

Intii ay socdeen kulamada, saraakiisha Al Hilal waxa ay rumaysnaayeen in heshiisku uu dhaw yahay, laakiin Fernandez waxa uu codsaday wakhti dheeraad ah si uu ula tashado qoyskiisa, isaga oo sii wada in uu la xidhiidho maamulka kooxdiisa Man United.

Jacobs ayaa xaqiijiyay in tababare Rubén Amorim uu shaqsi ahaantiisa soo faragaliyay isla markaana uu u gudbiyay ciyaaryahanka rabitaankiisa ku aadan inuu sii joogo Manchester United, taasoo saameyn ku yeelatay booska ciyaaryahanka reer Portugal, iyadoo ay sii dheer tahay Al Hilal oo aan dalab rasmi ah u gudbin kooxda.

Heshiiska ay Al-Hilal xiddiga u soo bandhigtay ayaa ahaa mid waali ah iyada oo sanadkii la siinayay xiddiga 66.6 milyan oo euro.

In kasta oo Bruno uu u furan yahay fikradda guuritaanka, wuxuu go’aansaday inuu go’aansado ka dib markii uu wadahadal la yeeshay qoyskiisa, kuwaas oo si cad u diiday u dhaqaaqista sucuudiga Laacibka ayaa go’aansaday dhamaadka usbuucan inuu sii joogo Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga