Frank Leboeuf Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta Ballon d’Or

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea, Frank Leboeuf, ayaa iska indha-tiray xiddiga ay isku Dalka yihiin ee Ousmane Dembelè, markii uu doortay ciyaaryahanka  ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sanadkan.

Taas badalkeeda xiddiga reer France ayaa ku taageeray abaalmarinta xiddiga lamine Yamal.

Xidigii hore ee Premier League ayaa u sheegay ESPN inuusan u maleyneynin in Dembelè uu ku guuleysan doono abaalmarinta.

Waxa uu yiri, “Uma maleynayo in Dembele uu ku guuleysan doono Ballon d’Or, waxaan qabaa in Lamine Yamal uu ku guuleysan doono.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga