Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or

Halyeeyga Manchester United, ayaa la wadaagay fikirkiisa ku aadan shaqsiga ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or 2025.

Daaficii hore ee England ayaa sheegay in xiddiga kooxda PSG ee Ousmane Dembele kaas oo laga yaabo in loo caleemo saaro xiddiga ugu fiican adduunka.

Shaki kuma jiro, xiddiga garabka ka ciyaara ee reer France ayaa xilli ciyaareed uu ku xasuusan doono Parisians, isagoo dhaliyay 33 gool, islamarkaana sameeyay 13 caawin 48 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Waxa uu dhaliyay sideed ka mid ah goolashiisa waxa uuna ka qeyb qaatay afar caawin 14 kulan oo uu saftay tartanka UEFA Champions League.

Ferdinand ayaa u sheegay One Football in Dembelè uu u taagan yahay fursada loogu magacaabi karo ku guulaysta Ballon d’Or bisha Sebtember markaas oo abaalmarinta la siin doono ciyaartoyga loo codeeyay.

Wuxuu yiri, “Yaa ku guuleysan doona Ballon d’Or? Waxaan u saadaalin doonaa Dembele”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga