Man United Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Final-ka Europa League.

Man United ayaa war fiican ka heshay tababarka ka hor kulanka Final-ka Europa League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Tottenham.

Tababare Amorim ayaa ka walaacsanaa diyaar ahaanshaha iddigaha Leny Yoro, Diogo Dalot iyo Joshua Zirkzee ka hor kulanka Tottenham.

Dhamaan xiddigaha ayuu shaki ku jiray taam ahaanshaha kulanka laakiin xiddigaha ayaa ku soo laabtay tababarkii Salaasada.

Dalot ayaa qayb muhiim ah ka ahaa shaxda Amorim oo ku ciyaara nidaamka 3-4-3 waxana uu dhaawac ku maqnaa tan ilaa guuldaradii United ka soo gaadhay Wolves bishii hore.

Yoro Ayaa ku dhaawacmay Kulankii West Ham 2 todobaad ka hor Amorim ayaana rajaynayay in uu si buuxda u soo kabsado marka la eego in uu Matthijs de Ligt shaki ku jiro sidoo kale.

soo laabashada Zirkzee yaa ah warka uGu fiican ee Man United marka la eego in ay United ku dhibaatoonayso goolka hortiisa kulamadii uGu dambeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga