Milos Kerkez Oo Heli Doona Numberkiisa Riyada Ee Liverpool.

Milos Kerkez ayaa laga yaabaa inuu  helo Numberka riyadiisa hadii uu ku biiro kooxda Liverpool.

Kerkez ayaa ku sii dhawaanaya inuu u dhaqaaqo Anfield, kadib wacdaro ka dhigay Bournemouth.

Liverpool ayaa suuqa kala iibsiga xagaagan ka dhigatay saxiix cusub oo daafaca bidix ah.

Xiddiga Robertson ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita taas oo shaki galisay awoodiisa in uu noqdo dookha 1-aad.

Kerkez ayaa si degdeg ah u noqday bartilmaameedka ugu sarreeya ee Reds ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Cherries.

Waxa uu ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah 36-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan, isaga oo ka caawiyay in ay gaadhaan rikoodhka dhibcaha ugh sareeya.

Waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahan joogta ah oo u ciyaara Hungary oo ka ciyaara ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu si weyn uga soo muuqday Euro 2024.

21-jirka ayaa hadda ku dhow inuu u dhaqaaqo waqooyiga kooxda Liverpool.

Madaxda Liverpool ayaa wadahadalo la furay dhigooda Bournemouth iyadoo ay socdaan wada xaajoodyo ku saabsan qiimaha xiddiga waxana u heli doona numberkiisa riyada.

Xiddiga reer Hungry ayaa Bournemouth u qaata Numberk No.3 laakiin xiddiga Wataru Endo ayaa Liverpool u qaata Numberkaas.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Japan ayaa u guuri doona Numberka No. 6 si uu Kerkez ugu ogolaado in uu qaato Numberka No. 3

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga