
Emmanuel Petit ayaa ka cabsi qaba in laba xiddig oo kale oo Arsenal ah ay ka tagaan kooxda hadii ay Real Madrid ku guulaysato in la saxiixato William Saliba.
Saliba, oo 24 jir ah, ayaa noqday bartilmaameedka Real Madrid ka hor suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.
Xiddiga reer France ayaa noqday mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican adduunka 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxana lagu soo waramayaa in uuna meesha ka saarin u dhaqaaqista Bernabeu.
Xidigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal Petit ayaa sheegay in waayida Saliba ay kooxda u noqon doonto ‘dib u noqosho’ oo wixii xagaaga ah lagu daro ka dhigi doonto mid aan macno lahayn.
Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa Arsenal dhawr saxiix oo cusub xagaagan laakiin Petit ayaa sheegay in waxyaabahaas lagu daray ay noqon doonaan kuwo aan waxba tarayn hadii daafaca muhiimka ah ee Saliba uu baxo.
Petit ayaa aaminsan in ka bixitaanka suurtogalka ah ee Saliba ay sidoo kale ka dhigi doonto ciyaartoyda ay ka midka yihiin Bukayo Saka iyo Declan Rice inay su’aalaan mustaqbalkooda garoonka Emirates.
“Waxaan akhriyay waxyaabo ku saabsan in Arsenal ay William Saliba ka iibineyso Real Madrid,’ Petit ayaa u sheegay talkSPORT.
“Waxa aan idhi waa maxay Dhibtan?.
‘Waxa aad doonaysaa in aad keento weeraryahano, baalal, ka dibna aad iibiso daafacaada ugu fiican? Maxaa dan ah? Waa tallaabo dib u noqosho haddii aad taas sameyso”.
“Tallaabada ugu horreysa ee Arsenal waxay u baahan tahay inay ahaato inay ilaashato ciyaartoydeeda ugu fiican”.
“Haddii aad bilowdo inaad iibiso ciyaartoydaada ugu fiican, laga bilaabo Saliba xiddigaha Saka iyo Rice su’aal ayay Iska waydiinayaan mustaqbalka kooxda”.
Be the first to comment