
Gary Neville ayaa qiimeeyay fursada ay kooxda Premier Leaque-ga Arsenal kaga guulaysan karto Paris Saint-Germain habeenka Arbacada.
Arsenal ayaa 1/0 looga badiyay kulankii lugta hore ee ka dhacay Emirates kana tirsanaa Semi Final-ka Champions League.
Arsenal ayaa fursado Heshay Salaasadii hore waxana ay ku Rajo weyn tahay in ay ka Soo laabato guuldarada si ay u gaadho Final-ka Champions League.
Diyaargawaga Arsenal ayaan ahayn mid fiican iyada oo kooxdiisu guuldaro kala kulantay Bournemouth kulan ka tirsanaa premier league.
Iyadoo ay taasi jirto, Neville waxa uu ku xisaabtamayaa in Arsenal ay heli karto natiijo wax ku ool ah oo ay suurtogal tahay inay u isticmaasho taageerada “dareenka” ee Parc des Princes si ay uga faa’iidaystaan.
Neville ayaa ku yidhi podcast-kiisa Sky Sports: “Walaaca Arsenal ayaa ah in ay ciyaareen shaxdoodii ugu xooganaa [kulankii Bournemouth] walina waa laga badiyay”.
“Laakiin runtii waxaan qabaa in Arsenal ay badin Karto waxaan qabaa inay aadi karaan PSG oo ay badin Karto”.
Be the first to comment