
Soo laabashada Matthijs De Ligt ee shaxda Man United ayaa kaliya noqotay wax ka yar saacad badhkeed yada oo Man United la kulantay war dhaawac oo xun.
Xiddiga ayaa ku soo laabtay shaxda Man United qaybtii dambe ee kulankii Europa League ee ay ka badiyeen kooxda Athletic Bilbao waxana uu ku bilowday kulankii ka hor tagay Brentford premier Legaue maanta oo Axad ah.
Si kasta ha ahaatee dhaawac soo gaadhay ayaa ku qasbay in xiddiga laga saaro kulankii Brentford ee premier League.
Man United ayaa haatan sugaysa baadhitaanka xiddiga reer Netherlands la marin doono si loo ogaado xaaladiisa.
Dhaawacan ayaa imanaya iyada oo Man United isku diyaarinayso Kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Europa League.
Be the first to comment