Martin Odegaard Oo Weerar Ku Qaaday Xiddigaha Liverpool Kadib Guuldaradii Bournemouth.

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa si xun u weeraray saaxiibadiisa Arsenal ka dib guuldaradii 2-1 ee Sabtidii ka soo gaartay AFC Bournemouth.

Mikel Arteta ayaa la filayay inuu isbedelo badan ku sameeyo Shaxdiisa isaga oo hal il ku eegaya arbacada lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee PSG.

Laakiin tababaraha Arsenal ayaa si lama filaan ah u go’aansaday in uu halis weyn galo isaga oo kaliya laba isbadal ku sameeyay kulankii Premier League ee ay la ciyaareen kooxda ka dhisan xeebaha koonfureed.

Marka la barbardhigo, PSG ayaa 10 isbedel ku samaysay shaxdooda kulankii ay la ciyaareen Strasbourg, iyadoo xiddigo badan ay ku raaxaysanayeen nasasho ka hor lugtii labaad.

Declan Rice ayaa Arsenal hogaanka u dhiibay laakiin Bournemouth ayaa u suurtagashay in ay ciyaarta wax ka badal ku sameeyaan iyada oo ay uga mahad celinayaan Dean Huijsen iyo Evanilson qaybtii danbe ee ciyaarta.

Odegaard ayaa ka carooday labadii gool ee Arsenal laga dhaliyay, wuxuuna weeraray saaxiibadiisa ka dib, isagoo u sheegay website-ka Arsenal:”Qeybtii labaad aad ayay nooga fogaatay”.

“Ma ahan wax la aqbali karo in laga dhaliyo labo gool oo kale. Waa wax ay tahay inaan ka hadalno oo aan hubinno inaan horumarinayno”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga