
Thierry Henry ayaa aaminsan in koox kale oo sare ay ka joojin karto Real Madrid ku guuleysiga Champions League 2024/25.
Henry, oo 47 jir ah, kuma cusba tartanka kooxaha Yurub, isagoo u ciyaaray 112 jeer waayihiisii Monaco, Arsenal iyo Barcelona.
Xilli ciyaareedkii 2005/06, waxa uu qayb ka ahaa kooxdii Gunners ee 2-1 looga badiyay ee ay ka badisay Barcelona finalkii Champions League ee ay Barcelona kula ciyaartay dalkiisa hooyo ee France.
Si kastaba ha ahaatee, si la yaab leh, wuxuu tartanka kula guuleystay kooxda reer Catalan 2008/09.
Tan iyo markaas, Real Madrid ayaa u awood sheegatay kooxaha ka qayb gala tartanka iyaga oo ku guulaystay 6 ka mid ah 10-kii qayb ee ugu dambeeyay tartanka.
Inkastoo Los Blancos ay tahay kooxda heysata koobka haatan, Henry wuxuu qabaa in koox kale ay kula tartami doonto koobka sanadkan.
halyeeyga reer France ayaana sheegay in Barcelona loo tix galiyo koox u tartamaysa koobka xilli ciyaareedkan.
“Haa, waxaan u maleynayaa in kooxdan hada ay awood leedahay sababtoo ah labadii sano ee ay wada ciyaarayeen waxayna soo mareen wakhti adag iyo guuldarooyin, waa marka aad wax badan ka barato dabeecadaada iyo waxa aad qaban doonto iyo sida aad u ciyaari doonto”.
“Waxaan u maleynayaa in kooxdan hadda, ay tahay in loo tixgeliyo mid ka mid ah kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan (Champions League),” ayuu raaciyay.
Be the first to comment