Kooxaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Champions league Heerkii Horyaalka Oo La Shaaciyay.

Waxa la soo afjaray kulamadii ugu dambeeyay ee heerka Horyaalka ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxo badan ayaa wacdaro dhigay tartanka cusub ee champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib dhamaadka heerka Group-ka waxa la soo saaray kooxaha dhaliyay goolasha ugu badan 8-dii kulan ee tartanka koox kasta.

Kooxda Barcelona ayaa dhalisay goolasha ugu badan tartanka champions League heerkii Group-yada tartanka.

Barcelona ayaa dhalisay 28 kulan 8-dii kulan ee ay ka ciyaartay tartanka champions League.

Waxa ku xigta kooxda Borussia Dortmund kuwaas oo dhaliyay 22 gool ilaa haatan tartanka champions League.

Kooxaha Atalanta, Atletico Madrid, Real Madrid Iyo Bayern Munich ayaa dhaliyay min 20 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga