![image_2025-01-30_100912123](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/01/image_2025-01-30_100912123.png?resize=678%2C381&ssl=1)
Kooxda Manchester City ayaa u soo baxday kulamada is reeb-reebka koobka champions League xilli ciyaareedka.
Habeenimadii Arbacada, Manchester City waxay Etihad Stadium kula kulantay dhigeeda Club Brugge, iyagoo soo gabagabeeyay kulamadii heerka koowaad ee Champions League.
Manchester City ayaa ku guuleysatay inay 3-1 ku badiso, taasoo u sahashay inay u soo baxdo wareega 16ka, iyadoo ku dhameysatay kaalinta 22aad ee Champions League.
Sida uu qabo sharciga tartanka, sideeda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu soo bixi doona wareega 16-ka ee Champions League.
Kooxaha ayaa ku jira kaalinta 9-aad ilaa 24-aad waxa ay ciyaarayaan kulamo isreeb-reeb ah oo laba lugood leh si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka
Dhanka kooxaha kaalmaha sagaalaad iyo tobnaad, waxa ay wajihi doonaan kooxaha kala ah 23-aad iyo 24-aad.
Dhanka kooxaha kaalimaha 11-aad iyo 12-aad waxa ay isku arki doonaan kooxaha kaalimaha 21-aad iyo 22-aad ee Champions League.
Kooxaha kaalimaha 13-aad iyo 14-aad waxa ay wajihi doonaan kooxaha kaalimaha 19-aad iyo 20-aad, halka kooxaha kala ah 15-aad iyo 16-aad ay wajihi doonaan kooxaha kaalimaha 17-aad iyo 18-aad.
Sidaas darteed, iyadoo Manchester City ay ku jirto kaalinta 22aad ee kala sarreynta, waxay yeelan doontaa mid ka mid ah fursadahan.
Sidaa darteed Manchester City ayaa kulamada is reeb-reebka la ciyaari doonta midkood kooxaha Bayern Munich ama Real Madrid.
Be the first to comment