
Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka kooxda Aston Villa ee Ollie Watkins sida ay sheegayaan wararku.
Si kasta ha ahaatee Aston Villa ayaa isla markiiba diiday dalabka Ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga reer England.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab 60 milyan ah miiska u saartay kooxda Aston Villa si ay u hesho saxiixa weeraryahanka Ollie Watkins.
Si kasta ha ahaatee Aston Villa ayaa isla markiiba diiday sabab la xidhiidha in ayna ku qanacsanayn dalabka Iyo waliba wakhtiga ay dalabka ka gudbisay xiddiga.
Arsenal ayaa si aad ah ugu baahan weeraryahan iyada oo suuqa ugu jirta xiddig weerarka ka ciyaarta inta uu furan yahay suuqa January.
Be the first to comment