Amorim Wuu Ka Shalaynayaa In Uu Ku Biiro Man United.

Halyeeyga Arsenal Paul Merson ayaa sheegay in Ruben Amorim uu ka shalaynayo inuu qabto shaqada Manchester United bartamihii xilli ciyaareedka.

Amorim ayaa badiyay kaliya seddex ka mid ah 11-kii kulan ee Premier League ee uu hogaaminayay Red Devils tan iyo markii uu qabtay shaqada bishii November, isagoo helay 11 dhibcood.

Erik ten Hag ayaa helay 15 dhibcood 11kii kulan ee uu ciyaaray ka hor inta aan la ceyrin.

Tababaraha reer Portugal ayaa shaaca ka qaaday dhawaan in uu kaliya lix tababar oo sax ah la qaatay xiddigihiisa.

Merson ayaana sheegay in Amorim uu su’aal ka keeni doono haddii ay ahayd inuu qaato doorka Old Trafford ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee United.

“Ninkan waa 39 jir. Waxaan ula jeedaa, waxaa jira ciyaartoy hadda xirfaddooda kubbadda cagta ku dhammaystay da’da 38″Merson ayaa u sheegay Sky.

“Waa tababare da’yar ah kuna cusub shaqada tababaranimo laakiin shaqo fiican ayuu ka qabtay horyaalka Portugal, waxa uu yimid mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, wuuna ku dhibaatoonayaa waxa laga yaabaa in uu ka shalaynayo in uu ku soo biiray Man United”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga