Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ibrahima Konaté ayaa xaqiijiyay in ay Liverpool heshiis cusub u soo bandhigtay si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo.
Ibrahima Konaté ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool waxana uu ugu ciyaaraa kooxda si joogto ah.
Xiddiga reer France ayaa muddo la sheegayay in ay heshiis cusub u soo bandhigayso xiddiga si ay u hubiso mustaqbalka xiddiga.
Ibrahima Konaté ayaa xaqiijiyay: “Waa run, waxaa heshiis cusub ii soo bandhigtay Liverpool”.
“Miyaan ku dhowahay inaan saxiixo? Taasi waa wada hadal kale!”ayuu Ibou sheegay.
“laakiin heshiisku wuu dhow yahay, dhammaan dhinacyadu way ku kalsoon yihiin”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment