Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in laga diiday dalab ay ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi.
Tan iyo markii la shaaciyay isbuucii hore in Wesley Fofana uu garoomada ka maqnaan doono muddo dheer kooxda Chelsea ayaa suuqa ugu jirta daafac cusub.
Kooxda Chelsea ayaa lala xidhiidhinayay daafacyo badan tan ilaa markii uu furmay suuqa January.
Blues ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay Marc Guehi kaas oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea yaraantiisii.
Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa haatanba dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga reer England si ay u hesho saxiixiisa.
Si kasta ha ahaatee kooxda Crystal Palace ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyada oo ku tilmaamtay mid aan fiicnayn.
Be the first to comment