DEG-DEG: Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Kale Oo Kooxdiisa Ah.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in xiddiga Ethan Nwaneri uu dhaawac kaga maqnaan doono kooxda muddo todobaadyo ah.

Xiddiga Ethan Nwaneri oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan ayaa ku dhaawacmay kulankii Brighton ee premier League.

Xiddiga Ethan Nwaneri ayaa dhaawac uga baxay kulankii Brighton waxana uu Arteta haatan ka warbixiyay xaalada xiddiga.

Xiddiga Ethan Nwaneri ayaa ka dhaawacmay muruqa waxana uu Arteta sheegay in uu xiddigu maqnaan doono wakhtiga soo socda.

“Nasiib darro waxa uu soo gaaray dhaawac waxaana uu maqnaanayaa dhowr toddobaad”, ayuu yiri Mikel Arteta.

Dhaawacan ayaa ah midkii 3-aad ee muhiim ah ee soo gaadhay kooxda Arsenal iyada oo kooxda ay horay dhaawac uga maqnaayeen Sterling Iyo Saka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga