Muxuu Slot Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Man United.

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay ka faa’ideysato dhibcaha ay Arsenal ku lumisay Brighton iyadoo barbaro 2-2 ah la gashay Manchester United ciyaar ka tirsaneyd Premier League Axadii ka dhacday garoonka Anfield.

Bar-baraha ayaa la macno ah in Reds ay haatan lix dhibcood oo nadiif ah ku hayso hogaanka horyaalka, iyadoo uu kulan baaqi u yahay Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta.

Man United oo doonaysay in ay iska ilaaliso afar guuldaro oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan iyo 1979 kii ayaa si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay Lisandro Martinez 52 daqiiqo kadib laakiin Liverpool ayaa 7 daqiiqo kadib goolka barbaraha la timid markii uu Cody Gakpo dhaliyay gool cajiib ah.

Slot ayaa la waydiiyay hadii ay kooxdiisu lumisay laba dhibcood oo muhiim ah tartanka premier League.

“Dabcan haa, waxa aan dareemaynaa in an laba dhibcood luminay, waxa aan qabaa dadku waxa ay xasuusnaadaan natiijada ugu dambaysa”.

“Waxa ay nala ciyaartay ciyaar difaac ah sidii Nottingham Forest waxana ay kubada daba dhigeen xiddigo badan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga