Ruben Amorim Oo Ka Hadlay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Liverpool.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ruben Amorim ayaa sheegay in kooxdiisu ay tahay inay waalato isla markaas niyad jabto ka dib qaab ciyaareedkii iyo natiijadii ay ka gaadheen Liverpool galabnimadii Axada.

Red Devils ayaa barbaro 2-2 ah ku gashay garoonka Anfield, iyadoo Amad Diallo uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 80aad ka dib markii ay labada gool u kala dhaliyeen Cody Gakpo iyo Mohamed Salah, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 ay hogaanka ku hayso kooxda martida loo ahaa.

Amorim ayaa la wadaaga aragtida kabtankiisa, isagoo ku andacoonaya in ciyaartoyda ay tahay inay “waalan yihiin oo ay ka niyad jabaan” sida wanaagsan ee ay ula ciyaareen kooxdii ugu fiicneyd horyaalka England.

“Waxaan u maleynayaa inaan aad u sii waalanayo sababtoo ah ciyaaraha kale, xitaa way adagtahay in la fahmo waxyaabaha qaar, tani maahan nidaamka, farsamada, ee waa wax kale,” Amorim ayaa u sheegay Sky Sports News.

“Waa inaan waalannaa oo niyad jabnaa, in ka badan maalintii kale ee aan la ciyaarnay Newcastle [United], Bournemouth, Nottingham [Forest] maanta, waxaan u baahanahay inaan runtii niyad jabno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga