Waxa la marayaa bartimihii xilli ciyaareedka Arsenal aa mar kale baacsi ugu jirta ku guulaysiga premier League.
Liverpool ayaa 6 dhibcood ka horaysa Arsenal iyada oo hal kulan baaqi u yahay, xiligan oo kale xilli ciyaareedkii Arsenal ayaa laba dhibcood ka horaysay Liverpool iyada oo Man City ayna ka fogayn ka hor inta ayna Ku guulaysan horyaalka xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah.
Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku hogaamiyo horyaalka premier League waxana jirta 7 caqabadood ay tahay in ay Arsenal dhaafto si ay ugu guulaysato horyaalka.
Socdaalka January:
Bishi ugu horaysay ee sanadka ayaa ah mida ugu adag, Arsenal ayaa ciyaari oonta 9 kulan Bisha Juary waana Bisha ugu mashquulsan sanadka 2025.
Hadii ay dhaafaan January iyaga oo aan aad uga fogayn hogaamiyayaasha Liverpool waxa ay ka caawin doontaa kooxda Arteta in ay fursad fiican u hesho hanashada premier League.
In ay Iska ilaaliyaan ganaaxyada:
Ganaaxyada aa dhib ku ahaa Arsenal bilowgii xilli ciyaareedka iyada oo xiddigo badan looga saaray kaadhka as taasina keentay in ay lumiyaan xiddigo muhiim ah kulamo muhiim ah oo ay dhibco lumiyeen.
markaa waa in ay iska ilaaliyaan in ay casaan qaataan kulamada muhiimka ah ee xilli ciyaareedka.
In ay Sameeyaan saxiiix suuqa January:
Xiddiga Liverpool ee Salah ayaa kaligiis ka goolal badan weeraryahanada Arsenal lli ciyaareedkan waxana Gunners u baahantahay weeraryahan ub si ay kor ugu qaadaan qaab ciyaareedkooda.
In ay Helaan Badalka Bukayo Saka:
Dhaawaca Saka ayaa dhabar jab ku ah Arsenal marka la eego in uu ahaa xiddiga ugu fiican uguna saamaynta badan kooxda.
Sidaas darted waa in ay kooxdu si deg-deg ah ugula soo saxiixataa Badalka Saka.
Ka Faa’iidaysiga Akademiyada kooxda:
Waagii hore Arteta ayaa lagu eedeayn jiray in aanu fursad siin xiddigaha da’yarka ah laakiin xilli ciyaareedkan taasi y is badashay.
Xiddiga Myles Lewis-Skelly oo 18 sano jir ayaa fursad u helay in uu ciyaaro kulamada xilli ciyaareedkan sidoo kale Nwaneri oo 17 sano jir ah ayaa ciyaara kulamada kooxda.
Ku Guulaysiga Carabao Cup-ka:
Ku guulaysiga koobabka waxa y kor u qaadaysaa kalsoonida kooxda waxana ay ka caawinaysaa in ay u dadaalaan ku guulaysiga horyaalka.
Be the first to comment