
Real Madrid ayaan ka niyad jabin baacsiga ay ugu jirto daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold waxayna ka fikirayaan in ay dalab 2-aad ka gudbiyaan saxiixiisa xiddiga reer England.
Alexander-Arnold, si la mid ah asxaabtiisa Liverpool Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka June 2025.
Real Madrid ayaa muddo dheer jeclaa 26 jirkaan, laakiin waxaa la filayay in ay sugaan ilaa suuqa kala iibsiga xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, maalintii ugu horeysay ee suuqa kala iibsiga January waxaa soo baxay warka sheegaya in Real Madrid ay la soo xiriirtay Liverpool si ay u hesho saxiixa Alexander-Arnold.
Wadahadalladii ugu horreeyay waxaa si degdeg ah u baabi’iyay hoggaamiyeyaasha Premier League, laakiin Reeal Madrid ayaa diyaarinaysa dalab kale.
Wargayska The Times ayaa sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 20 milyan si ay u hesho ciyaartoy aan lagu heli doonin wax lacag ah 6 bilood kadib.
Wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa soo jeedinaya in kooxda heysata horyaalka La Liga aysan ku dhiiran doonin wax ka badan £12.4m (€15m).
Be the first to comment