WARBIXIN: Salah, Van Dijk, De Bruyne Iyo Xiddigaha Heshiiska La Gali Kooxaha Kale Suuqa January

Hadda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa furan, ciyaartoyda Premier League ayaa galaya lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiisyadooda, taasoo la micno ah inay si xor ah kula hadli karaan kooxaha ka baxsan premier League.

Shabakada Sky Sports News ayaa soo saartay Liiska xiddigaha sida buuxa ula heshiin kara kooxaha kale ee ka ciyaara premier League.

Jorginho: xiddiga Khadka dhexe ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti dhaw ah xagaagii hore laakiin wali heshiis cusub oo kale uma saxiixin kooxda.

Thomas Partey: Xiddiga ayaa galaya bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskii 5-ta sano ee uu saxiixay markii uu Kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2020.

Kieran Tierney: tan ilaa markii uu heshiis amaahda ahaa ka soo laabtay Sociedad waxa uu kaliya ciyaaray hal kulan waxana ay u badantahay in uu ka tagayo kooxda.

Virgil van Dijk: Kabtanka Liverpool ayaa sheegay in uu wadahadalo kula jiro kooxda si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda laakiin wali heshiis cusub uma saxiixin.

Mohamed Salah: Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxdiisa u dhaliyay goolal muhiim ah laakiin xiddiga ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Trent Alexander-Arnold: xiddigan ayaa durba helay dalab uga yimid Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Ilkay Gundogan: Xiddiga Khadka dhexe ayaa ku soo laabtay Man City waxana uu saxiixay heshiis hal sano ah laakiin waxa dhamaanaya sanadkaas dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kevin De Bruyne: Xiddigan ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo waxana ay hoos u dhigeen fursadihiisa ciyaarista waxana uu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Amad Diallo: xiddiga ugu fiican Man United xilli ciyaareedkan ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Harry Maguire: Man United ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga si ay u sii haystaan laakiin waxa uu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay.

Jonny Evans: Xiddigan ayaa Man United ugu soo laabtay heshiis wakhti dhaw ah laakiin waxa uu saxiixay heshiis 2 sano ah si uu u sii joogo Old Trafford.

Christian Eriksen: xiddiga 33 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha ka tagaya Man United sabab la xidhiidha heshiiskooda oo dhamaanaya.

Victor Lindelöf: Daafaca khabiirka ah ayaa si xor ah uga tagaya kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga