Mo Salah ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub oo labo sano ah u saxiixo Liverpool si uu u soo afjaro dhammaan shakiga laga qabo mustaqbalkiisa Anfield.
Heshiis dhexdhexaadin ah oo dhex maray milkiilayaasha kooxda Fenway Sports Group iyo 32 jirka reer Masar ayaa la gaadhay kadib wadahadalo muddo socday.
Wakiilka waqtiga dheer Salah Rammy Abbas ayaa u sheegay madaxda Anfield inay raadinayaan heshiis seddex sano ah halka markii hore ay kooxdu diyaar u ahayd inay hal sano oo dheeri ah siiso marka heshiiska hadda uu dhamaado xagaaga soo aadan.
Xiddiga Salah oo haatanba ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda ayaan dhibaato ku ahayn wadahadalada laakiin wakhtiga heshiiska ayaa ahaa midka la isku af garan la’aa.
Be the first to comment