Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Alexis Mac Allister ayaa seegi doona kulanka Merseyside derby ee Goodison Park sabtida ka dib markii uu qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedkan kulankii ay barbaraha 3-3 la galeen Newcastle Arbacadii.
Ciyaar cajiib ah, Kooxda Arne Slot ayaa heshay dhibic muhiim ah kulan ay marti u ahaayeen kooxda Newcastle United.
Jaallaha shanaad ee Mac Allister ayaa yimid daqiiqadii 20-aad markii garsoore Andy Madley uu jaale u taagay xiddiga reer Argentina kaas oo u muuqday mid aan waxba galabsan oo garabka ka saaray Joelinton.
25-sano jirkaan ayaa haatan qaadan doona hal kulan oo ganaax ah, waxaana uu diyaar u noqon doonaa kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Fulham Sabtida, 14-ka December.
Maqnaanshaha xiddiga ayaa dhirbaaxo ku noqon doona Liverpool marka la eego in uu muhiim ka yahay kooxda.
Be the first to comment