Guardiola Oo Sharaxay Sababta Keentay Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Sanka Kulankii Feyenoord.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawac ka soo gaadhay sanka intii ay socotay ciyaartii Feyenoord ee champions League.

Man City ayaa bar-baro 3/3 ah la gashay kooxda Feyenoord kulan ka tirsanaa champions League kulankii 5-aad ee heerka horyaalka.

Ciyaarta kadib ayaa tababaraha wax laga waydiiyay dhaawaca ka soo gaadhay sanka.

Guardiola ayaa wax laga weydiiyay arinta, wuxuuna ku kaftamay: “Aniga ayaa naftayda dhaawacay”.

“Waxaan rabay inaan naftayda dhaawaco!”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Man City ayaa kulankii 2-aad oo xidhiidh ah bilaa guul ah tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga