Ruben Amorim ayaa dhaleeceeyay Joshua Zirkzee iyo Jonny Evans ka dib markii Manchester United ay barbaro 1-1 ah la gashay Ipswich Town Axadii.
Amorim ayaa bar-baro ku bilowday noloshiisa Man United kadib markii ay bar-baro la galeen kooxda Ipswich kulan ka tirsanaa premier League.
Amorim ayaa shan isbedel ku sameeyay qeybta labaad iyadoo Luke Shaw, Manuel Ugarte, Rasmus Hojlund, Zirkzee iyo Mason Mount ay dhamaantood ka soo kaceen kursiga keydka.
Zirkzee ayaa ku ciyaarayay booska No.10 ee ka dambeeya Hojlund kadib markii la soo galiyay daqiiqadii 68-aad laakiin Amorim ayaa cadeeyay in weeraryahanka Holland uu u baahan yahay inuu si adag uga shaqeeyo sidii uu diilinta ganaaxa ugu soo gali lahaa inta lagu guda jiro weerarada United.
“Waxaan u maleynayaa in [go’aan qaadashada] ay tahay walaac, uma baahnid inaad ku tababarto heerkan,” Amorim ayaa u sheegay Sky Sports.
“Waa in aad haysato kubada marka loo baahanyahay halka loo baahanyahay in aad dareento marka ay tahay in aanad haysan karin kubada oo aad is dhaafiso”.
“Marka aan weerarka joogno Josh Zirkzee waa in uu fahmo in uu aado weerarka si uu u helo kubada”.
Isaga oo tilmaamaya khaladka Evans ayuu yidhi”Hutchinson mar walba waxa uu helayay boos banaan Jonny Evans waxa looga baahanyahay in uu cadaadis saaro ciyaartoygaas”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment