
Leny Yoro ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray kooxda Manchester United ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada ee la ciyaaray kooxda Altrincham Fiidnimadii Salaasada kadib markii uu tababar ka qaatay tababare Ruben Amorim maalintii Isniintii.
Amorim ayaa hogaamiyay tababarkiisii ugu horeeyay Isniintii isaga oo ugu dambayntii helay warqadii shaqada waxana uu kooxdiisa u diyaarinayaa kulanka Ipswich ee Axada.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Yoro ayaa loo sheegay Isniintii inuu ka mid noqon doono kooxda Man United ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada ee Altrincham ee koobka National League Cup habeenka Salaasada.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in Amorim uu qaatay go’aanka uu kaga saarayo kooxda ka dib markii uu tababar qaatay Isniintii, isagoo ka dhawaajiyay inuu ku lug lahaan doono kulanka Ipswich galabnimada Axadda.
Yoro ayaa loo adeegsaday daafaca dhexe ee garabka midig intii lagu jiray tababar isniinti xiddigii hore ee Lille ayaa la filayaa in uu noqdo dookha 1-aad ee Amorimo kaas oo ku ciyaari doona shaxda 3-4-3.
Yoro ayaan weli u safan kulankiisii ugu horeysay ee tartan rasmi ah Man United, iyadoo 19-sano jirkaan uu dhaawac soo gaadhay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka.
Be the first to comment