Sida laga soo xigtay Paul Joyce oo ka tirsan The Times, wada xaajoodka Liverpool iyo Mohamed Salah ee ku saabsan qandaraas cusub ayaan weli miro dhalin.
Liverpool ayaa weli wadahadal kula jirta Salah, oo 32 jir ah, kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo bisha June ee sanadka 2025.
Labada dhinac ayaan wali ku dhawayn in ay wax heshiis ah gaadhaan maadaama aysan weli jirin wax horumar ah oo la gaaray.
Salah ayaa la rumeysan yahay inuu ku faraxsan yahay ku noolaanshaha Liverpool sidoo kale qoyskiisa ayaa si wanaagsan u degay.
Wakhtiga ayaa ka dhacaya Liverpool iyada oo Salah heshiis la gaadhi karo kooxaha ka baxsan England suuqa January.
Be the first to comment