Xilli ciyaareedkii hore kooxda Xabi Alonso Bayer Leverkusen ayaa dhigay rikoodh gaar ah kadib markii ay guuldaro la’aan ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii oo dhan.
Kooxdi Arsenal ee 2003/2004 Ayaa iyaduna dhigtay rikoodhkas halka kooxda Juventus ay sanadkii 2011/2012 dhigtay.
Xilli ciyaareedkan waxa jira kooxo isha ku haya in ay rikoodhkaas sameeyaan isla markaas xilli ciyaareedka aan ilaa haatan wax guuldaro ah kala kulmin.
96 kooxood oo ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu waaweyn kaliya 3 kooxood ayaan wax guuldaro ah la kulmin ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Juventus
Inkasta oo ay haatan ku jirto kaalinta 6-aad ee kala saraynta Serie A-da, Juventus ayaa ah kooxda kaliya ee ku jirta horyaalka talyaaniga kuwaas oo aan wax guuldaro ah la kulmin 12 kulan oo la ciyaaray.
Bayern Munich
Kooxda Vincent Kompany ee Bayern Munich ayaa wacdaro dhigaysa xilli ciyaareedkan iyaga oo aan laga badin wax kulan ah horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.
PSG
Calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ay si wanaagsan ula qabsatay nolosha Kylian Mbappe ka dib.
Iyada oo laga yaabo inay noqoto kooxdooda ugu yar laakiin waxa ay haystaan xiddigo badan oo tayo leh kuwaas oo kooxda ka caawiyay in aan laga badin ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Be the first to comment