Berbatov Oo Magacaabay Xiddig Uu Ruben Amorim Ka Soo Qaadan Doono Sporting.

Dimitar Berbatov ayaa soo xushay hal xiddig oo Sporting Lisbon ah kaas oo uu u malaynayo in uu ku biiri doono kooxda Man United isla markaas raaci doono tababare Ruben Amorim.

Amorim, oo 39 jir ah, ayaa loo xaqiijiyay inuu yahay tababaraha cusub ee United Jimcihii la soo dhaafay, laakiin ma bilaabi doono shaqada ilaa Isniinta, November 11.

Tababaraha ayaa saameyn weyn ku yeeshay Sporting afartii sano iyo bar ee lasoo dhaafay, isagoo kooxda ku hogaamiyay labo horyaal oo Primeira Liga ah iyo labo koob oo maxalli ah.

Amorim ayaa la wareegi doona kooxda United oo si xun u dhibtoonaysay ilaa haatan xilli ciyaareedkan, Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League walina aan guul gaadhin kulanka Europa League.

Waxa la filayaa in uu dib u habayn ku sameeyo kooxda sanadaha soo socda Berbatov ayaana farta ku fiiqay xiddig uu filayo in uu Amorim keeno Man United kana soo qaato Sporting.

“Waa arrin xiiso leh sababtoo ah ninkan Viktor Gyokeres – wuxuu hadda u dhaliyay goolal madadaalo,” ayuu yiri Monday Night Football.

“Marka waxaan u maleynayaa inuu jiro xiriir gaar ah oo uu la leeyahay Tababaraha sidaas darteed waxa aan ku arki karnaa maaliyada Man United”.

“Waxa uu haatan soo bandhigayo waxa aan u malaynayaa waxa aan jecelahay in aan ku arko Man United”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga