Tababaraha Kooxda chelsea ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay Vinicius Junior oo aan loo caleemo saarin Ballon d’Or.
Real Madrid ayaan ciyaarin usbuucan horyaalka Spain, sababa la xiriira duufaantii Dana ee ku dhufatay Valencia taas oo keentay in ciyaarta dib loo dhigo.
Kooxda Real Madrid waxay la kulmi doontaa dhiggeeda Milan, berri oo Salaasa ah kulan ka tirsan Champions League oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu Stadium.
Ancelotti ayaa shirkiisa jaraa’id ee kulanka ku yidhi: “Vinicius runtii aad ayuu u murugaysan yahay, dhamaanteenna waanu murugsanahay, laakiin maahan Ballon d’Or, laakiin xaalada Valencia aad ayay u xun tahay”.
Waxa uu intaa ku daray: “Ma gaari karno go’aano ciyaaryahan ahaan, dhammaan tababarayaasha waxay doonayeen inay joojiyaan ciyaaraha, qaar ayaa ciyaaray, qaar kalena ma aysan dhicin, laakiin ugu dambeyntii waxaan rajeyneynaa in dhacdadani ay ku dhamaato si nabad ah.”
Isagoo ka hadlayay xaalada Vinicius ka dib markii uu ku guuleysan waayay Ballon d’Or, Ancelotti ayaa yiri: “Waa wax dabiici ah inuu murugoodo, laakiin waa uu gartay waxa dhacaya, nasiib wanaag, waxaan helnay nasasho mana aanan ciyaarin sabtidii, Vinici si fiican ayuu u tababaran yahay. sida dadka kale.”
Be the first to comment