Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Martin Odegaard.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in Kabtankiisa Martin Odegaard uu wali garoomada ka maqnaan doono in muddo ah.

Odegaard ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa tan ilaa fasaxii xulalka walina waxa uu ka maqan yahay garoomada.

Kabtanka Arsenal ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Arsenal sabab la xidhiidha dhaawacii soo gaadhay.

Arteta ayaa sharaxay in ciyaartoygu uu u baahan yahay wakhti badan si uu si buuxda ugu soo kabsado, taas oo shaki galisay ka qayb galka kulamada soo socda.

Maqnaanshaha Odegaard ayaa caqabad ku ah Arsenal, maadaama uu xiddiga reer Norway yahay mid muhiim u ah kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa aad u rajaynaysa in ay xiddiga u helaan sida ugu dhakhsaha badan kulamada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga