Mohamed Salah Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Liverpool, Mohamed Salah, ayaa shuruud muhiim ah ku xiray inuu u saxiixo qandaraas kordhinta Reds, islamarkaana uu sii joogo Anfield muddo dheer.

Qandaraaska Mohamed Salah ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 30, 2025, laakiin kooxda Ingariiska ayaan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda taas laga yaabo in uu si xor ah uga tagi.

Weli waxaa jira madmadow badan oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Masar ee Liverpool iyada oo ay kooxo badan xiiso u qabaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Mohamed Salah ayaa hal shardi ku xidhay in uu kooxda Liverpool u saxiixo heshiis ilaa xagaaga 2027.

Salah ayaa doonaya in uu sii wado rikoodhkiisa goolasha ee kooxda Liverpool isla markaas uu sanado badan sii joogo kooxda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka Liverpool ayna ka wal-walsanayn heshiis kordhinta Mohamed Salah waxana ay aaminsanyihiin in ay xiddiga ku qancin doonaan in uu saxiixo heshiis cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga