Rasmus Hojlund Oo Fariin U Diray Tababaraha Xulka Qarankiisa

Rasmus Hojlund ayaa codsi u diray tababaraha ku meel gaadhka ah ee xulka qaranka Denmark, Lars Kundusen ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan xulka Spain.

Xulka qaranka Denmark ayaa isku diyaarinaya in ay ciyaaraan kulan ka tirsan tartanka Nations League.

Hojlund ayaa dhaawac jilibka ah ka soo gaaray taas oo sababtay inuu seego 4-tii kulan ee ugu horeeyay Man United xilli ciyaareedkan.

Hojlund kaliya waxa uu ka soo muuqday 5 kulan tartamo kala duwan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Hojlund ayaa ka codsaday maamulka xulka qarankiisa in aanu ciyaarin 90-ka daqiiqo ee kulanka Spain si uuna halis u galin xirfadiisa Man United.

Hojlund oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma jirto wax deg-deg si aan halis isku galiyo”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Jidhkaygu wuxuu dareemayaa wanaag markale, waxaa laga yaabaa inaan diyaar u ahaado inaan ciyaaro 90-daqiiqo, laakiin hadii aan sidoo kale maskaxdayda wax yar ka faa’iidaysto, uma malaynayo inaan 90-daqiiqo ciyaari doono sabtida kulanka Spain”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga