Muxuu Hansi Flick Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Monaco

Hansi Flick ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay isagoo macalin ah Barcelona isagoo arkay in kooxdiisu ay guuldarro 2-1 ah kala kulantay kooxda AS Monaco kulan ka tirsanaa champions League.

Isagoo natiijadii dib u milicsaday, Tababaraha ayaa yidhi”Waa in aan soo kabsano oo aan soo laabano anaga oo ka xoogan sidii hore”.

“Kaadhkii casaa ayaa badalay ciyaarta oo dhan”ayuu sii raaciyay.

“Waa inaan aqbalnaa inay u qalmeen inay guuleystaan, waxaan isku daynay mar walba, laakiin waa inaan aqbalnaa inay u qalmeen inay guuleystaan”.

“hadda waa inaan soo kabsano oo aan soo laabanaa si xoogan, waxaan heysanaa 7 fursadood oo kale”.

Kulankan ayaa ah guuldaradii ugu horaysay ee Flick laga badiyay tan ilaa markii uu noqday tababaraha kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga