Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Ka Xanaaqay Shaqo Ka Caydhinta Pochetino

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Nicolas Jackson ayaa si weyn uga xanaaqay maamulka kooxda Sabab laal xidhiidha bixitaanka Pochetino.

Chelsea ayaa shalay shaacisay in uu Pochetino ka tagay kooxda Kadib is af garad dhexmaray kooxda iyo tababaraha.

Pochetino ayaa kaliya Hal xilli ciyaareed hogaaminayay kooxda Kadib markii uu yimid kooxda xagaagii hore.

Chelsea ayaa si weyn u dhibaatootay iyada Oo ku dhamaystay boosaska Europe League Xilli ciyaareedka dambe.

Sida ay sheegayaan wararku xiddiga reer Senegal ee Jackson ayaa ka xanaaqay in ay Chelsea iska fasaxdo Tababare Pochetino.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga